Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Guddoomiyaha aqalka Sare ee Somalia & dhigiisa Kenya? (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kulan ku yeeshay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Aqalka senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senateka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa ku guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

???
 

????????????????????????????????????

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xassan Shiikh oo ka hadlay muhiimada ay leedahay gurmadka shacabka Turkiga

Caydiid Ali

Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay degmooyin ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---