Allbanaadir.com
NEWS

Guuleed Biixi Cabdi oo loo doortay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka Soomaaliya

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka dhacday doorasho xiiso iyo xamaasad badan laheyd oo u dhaxeysay sadex musharax oo ku tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP255 , oo kamid ah kuraasta gobolada Waqooyi.

Kursigan waxaa ku tartamayay sadex musharax uu ku jiray Xildhibaankii horey ugu fadhiyay kursigan Axmed Maxamuud Maxamed iyo musharaxiinta kale ee Guuleed Biixi Cabdi iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen.

Doorashada kursigan waxaa ku guuleestay Guuleed Biixi Cabdi oo helay 58-cod halka Xildhibaan hore Axmed Maxamuud Maxamed uu helay 22 cod iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen oo isna helay 21-cod.

Kursigan doorashadiisa ayaa ka duwaneyd kuwii horey loogu doortay Xildhibaano badan oo loo doortay in ay kamid noqdaan golaha Shacabka, waxaana kursigan oo doorashadiisa furneed laga guuleestay Xildhibaankii horey ugu fadhiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh & wafdigiisa oo Masjidka xaramka ku soo gutay Cumrada (Sawirro)

Caydiid Ali

Miino aan qarxin oo laga soo saaray Xaafad ka tirsan Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah shacabkiisa ka mamnuucay iney tagaan dalka Kuwait & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---