Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan kamid noqonaya golaha Shacabka oo goordhaw la doortay (Sawirro)

Waxaa goordhaw Dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada afar kursi oo kamid noqonaya Golaha shacabka gaar ahaan kuraasta gobolada Waqooyi.

Kursigii ugu horeeyay oo doorashadiisa ka dhacday Dugsiga Janaraal Kaahiye ayaa waxaa saakay ku tartamaya Musharax xildhibaan mudane Jaamac Maxamed Askar iyo Musharax xildhibaan Aadan Axmed Nuur Haybe.

Natiijada kursigan oo ahaa mid horey loo sii ogaa natiijadiisa ayaa waxaa ku guuleestay Xildhibaan hore Jaamac Maxamed Askar oo loogu codeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo malxiis ahaan ula socday.

Xildhibaankan goordhaw lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa kamid ah xulufada Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, kaa oo saameyn badan ku leh Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee lasoo saarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Deni oo gaaray gobolka Mudug, xarigana ka jaray Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo bogaadiyay Dedaalada Xaslinta

Cabdi Cade

Nin Afrikan ah oo qirtay in si farsameysan ku xaday lacag Malaayiin Dollar ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---