Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada oo ka hadashay wararka sheegaya in Farmaajo ka codsaday Erdogan Diyaarado

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu hadal hayay in dowlada Turkiga Soomaaliya siineyso diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dagaalka, kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday dhigiisa Turkiga.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa beeniyay in Madaxwyene Farmaajo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka codsaday Madaxweynaha dalkaas Rajab Dayib Erdogan.

Waxa uu sheegay agaasimaha in dowlada Turkiga dhinacyo badan ka caawisay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya sida tababarka ,hubka ,gaadiidka, waxa uuna cadeeyay in Turkiga Soomaaliya si weyn uga taageero arimaha amniga.

Dowlada Turkiga ayaa magalaada Muqdisho ka furatay xero milatari oo aad u weyn, waxaana xeradaasi lagu tababaraa ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababara ee Gor gor iyo Haramcad.

Hadal heynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga ugu deeqeyso Soomaaliya ayaa timid xili Xukuumada Ankara ku caawisay dowlada Itoobiya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax duqeeya taa oo ka caawisay ciidanka Itoobiya in ay jabiyaan TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo damacsan talaabo ka dhan ah Israel iyo Maraykanka oo ka hor yimid

Caydiid Ali

Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Taliska Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

DEG DEG: Farmaajo oo goor dhow khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---