Bogga uu barta facebook ku leeyahay taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa la jabsaday, waxaana la wareegay burcada internetka sida ay baahisay Wakaalada wararka Soomaaliyeed SONNA.
“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu Dhammaan Bulshada soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawa Yusuf Rage” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka XDS oo ay daabacday SONNA.
Talisku ayaa uga digay shacabka inaan lagu kadsoomin farriimo ama waxyaaba kale oo ay suuragal tahay inay ka imaan karaan burcadda jabsatay.
“Talisku wuxuu hadda Gacanta ku hayaa sidii uu dib ugu soo celinlahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, insha Allah marka dib loosoo celiyana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa’ ayaa lagu soo afjaray qoraalka taliska Ciidanka XDS
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com