Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John Un ayaa shacabka dalkiisa ku soo rogay amaamiir adag oo qaarkood dad badan ka yaabiyey.
Amarada uu soo saaray ayaa waxaa ka mid ah ineysan dadku qosli karin muddo 11-cisho oo maanta ka bilaabanaysa.
Waxaa la sheegay in talaabadan lagu xusayo toban sanno guuradii kasoo wareegtay geerida aabihii dhalay hogaamiyaha xilka haya oo la oran jiray Kim Jong il.
Awaamiirta kale la soo rogay mudada 11ka cisho ah waxaa ka mid ah inaan la dukaameysan karin, lana cabi karin khamri iwm.
Sidoo kale waxaa mudadaas la mamuucay in la qabto xafladaha dhalashada, arooosyada iyo xaflad kasta oo muujineysa farxad iyo dabaaldeg.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com