Allbanaadir.com
NEWS

Su’aalo laga keenay go’aanka lagu eryey xubnihii ka tirsanaa Guddiga xalinta Khilaafaadka

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamankii 10aad ee xiligiisu dhamaaday ayaa labo su’aalood oo xasaasi ah ka keenay go’aankii uu RW Rooble shaqada fariisiyey xubno ka tirsanaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada ayaa isweydiiyey sababta talaabo looga qaadi waayey gudiyadii doorashada ee musuqa ku kacay mar haddiiba la saxayo qaladaad dhacay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ROOBLE OO DHAMEYSTIRAN

Tallaabo Qandha-jabin ah (anti pain). Waxaan eegeynaa midowga musharixiintu sida ay relief u dareemaan!

Guddiga xallinta khilaafaadku waa halka ay wax ku soo dhamaadaan, guddiyada kale wax ay soo qaldaan ama ay soo musuqmaasuqaan ayaa soo gaara, waxaa in la isweydiiyo mudan sababta kuwii wax soo qalday tallaabada looga qaadi waayey oo kuwaan kaligood loo beegsaday haddiiba wadada wax sixidda loo jeestay!

Tan kale go’aanadii qaldanaa ee guddigaas ka soo baxay waxba lagama dhihin! Haddii qalad iyo eex ay sameeyeen lagu eryay xubnahaas, go’aanadii ay soo saareena waxa ay ahayd in meesha laga saaraa!! Haddii kale waraaqahaan laftooda ayaa xalaalanaya wixii guddigu xalaaleeyey!?!

Si kasta ha ahaatee, waxba wax bay dhaamaane tani in ay bilow tahay haloo niyaysto!

Axmed Macalin Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan da’yar ah oo si weyn caan uga ahaa Qaaradda Afrika oo geeriyooday

Cabdi Cade

Dowlada oo soo saartay Digniino la xiriira fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga (Akhriso)

Cabdi Cade

Farmaajo oo goor dhow Shacabka kala hadli doona qalabka Warbaahinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---