Itoobiya ayaa shaacisay in ciidamadeeda ay dib u qabsadeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada kuwaasoo ay gacanta ku hayeen kooxda TPLF.
Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo bartimihii sanadkan.
Ciidamada TPLF ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeelad dagaal ayna ka baxeen dhowr magaalo.
Waxay u muuqataa in dowladda ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.
Qabashada magaalada Woldiya ayaa ka dhigan in la kala jaray kooxda TPLF ee ka dagaalamaysa degaanka amxaarada iyo gobolka Tigray oo saadku uga iman jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com