Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay go’aankii Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya shaqada uga eryay xubno katirsanaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashada .
Qoraal uu soo saaray Cabdikariin Guuleed ayuu ku sheegay in uu soo dhaweenayo talaabada laga qaaday guddiga xalinta khilaafaadka uu sheegay in shaqadooda uu hareeyay musuq maasuq , eex iyo siyaasad.
”Waa soo dhaweynayaa tilaabada laga qaaday Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo ay howlihiisu hareeyeen musuq, eex iyo siyaasad, waxeyna igula muuqataa tilaabo wanaagsan oo bilow ka noqon karta saxidda geedi socodka doorashada” ayuu yiri Musharax Guuleed.
Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale bogaadiyay kulankii xalay Zoomka ku yeesheen golaha wadatashiga qaran iyo midowga musharaxiinta, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in uu qabsoomo kulan fool ka fool ah si doorashada loo saxo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com