Allbanaadir.com
NEWS

Xubno kamid ah Guddiga xalinta Khilaafaadka oo Shaqada laga eryay & xubnaha cusub oo lagu bedelay !!

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka eryay xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, kuwaa uu ku eedeeyay in ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo kuna milmay siyaasadda.

Qoraal kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga ee shaqada laga eryay ay baal mareen xeerka anshaxa doorashada sidoo kale khatar galiyeen kalsoonidii shacabka iyo dadka daneeya doorashada Soomaaliya ay guddiga ku qabeen.

Xubnahan guddiga doorashada ee shaqada laga eryay ayaa waxaa ku jira guddoomiyihii guddigaasi Xuseen Laki Maxamed iyo xubno kale oo aad ugu dhawaa Madaxtooyada Soomaaliya kuwaa oo ku fashilmay shaqadii loo igmaday.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaana la sheegay in ay si khaldan u maamuleen ayna sameeyeen musuq maasuq labo kursi oo dacwadooda loo gudbiyay gaar ahaan kursigii uu ku guuleestay kusimaha taliyaha NISA Yaasiin Farey.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana magacaabay todobo xubnood oo lagu bedelay xubnaha shaqada laga eryay kuwaa oo hoosha halkeeda kasii wadi doona, waxaana la filayaa in xubnahan si deg deg ah guddoon u doortaan.

 

Related posts

Dood looga hadlayay Bangiyada Islaamiga ah iyo Kaalinta ay ku leeyihiin Bulshada oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi & Madaxweyne Deni? (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro laga soo qaabtay goobtii uu ka dhacay Qaraxa ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---