Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo sheegay in Cadaadis la saaro marka kiisas loo soo gudbiyo

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa lumiyay inta badan kalsoonidii lagu qabay, kadib markii labo kiis oo xasaasi ahaa oo loo gudbiyay u xukmiyeen si la sheegay in cadaalada ka fogeyd ayna jideeyeen boobka doorashada

.Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Xuseen Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in guddiga diyaar u yahay qancinta cid kasta oo cabasho qabta, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin cid gaar ah ay u adeegaan.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in cadaadis xoogan la saaro marka loo soo gudbiyo guddiga kiisas la xariira kuraasta la doortay, waxa uuna ka gaabsaday in uu magacaabo cida cadaadista tooska ah ku heysa guddigooda isagoona ugu baaqay in ay ka daayaan.

“Markasta oo aan kiisas nuucaas ah qabano cadaadis badan wuu jirayaa oo nooga imaan kara meelo kala duwan, waxa aan jecel nahay in meelahaas cadaadista naga daayaan oo howshaas iyagu noo igmadeen oo noo talo saarteen oo aan weliba ku hoggaamineyno habraacyada ay dejiyeen oo ay saxiixeen in ay nagu ixtiraamaan qolyahaas baan ugu baaqeynaa, taasaa danta dalka ku jirtaa tan dadka Soomaaliyeed ku jirtaa, hufnaanta & milgaha Doorashadu ku jirtaa, anagane noo dhib yar oo culeys badan na saareynin“ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

Gudoomiye Xuseen ayaa cadeeyay in labo kursi oo dacwadooda loo keenay ee ahaa kii loo doortay Mahdi Guuleed iyo kii Yaasiin Farey uu sheegay in loo maray doorashada labadaasi kursi habraac sax ah sidaasna ku fasaxeen.

“Guddigu waxa uu ku shaqeeyaa habraaca ka dhashay heshiiska Golaha Wadatashiga qaran, Doorka guddiga waa xalinta cabashooyinka si uu wax uga qabto, inta badan Bulshada ogaal-yarideedu waxa uu keenaa in wax kasta oo loo sheego ay rumeystaan, labada  kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Midna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay” ayuu yiri gudoomiya guddiga xalinta khilaafaadka .

Gollaha midowga musharaxiinta ayaa ku baaqay in lakala dirro guddiga xalinta khilaafaadka ay sheegeen in aysan cadaalad aheyn ayna yihiin kuwa dhinac u raran oo xalaaleenaya boobka doorashada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duufaan halis ah oo ku soo fool leh dhul xeebaha Somaliland iyo Puntland

Cabdi Cade

Deni & James Swan oo ka wada hadlay xalinta khilaafka dowlada Somalia & Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka guddiga fulinta ee (CAS)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---