Guddiga hirgalinta doorashada golaha Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay in beri oo sabti ah la qabanayo doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta gobolada Waqooyi ku leeyihiin golaha Shacabka.
Kuraastan afarta ah ayaa lagu wargaliyay musharaxiinta iyo ergada dooraneysa in beri soo diyaar garoobaan, hasa ahaatee qoraal kale oo goordhaw kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyay in doorashada kuraastan dib loo dhigay.
Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa sheegay in doorashada afarta kursi ee kala ah HOP262, HOP229, HOP254 iyo HOP255, dib loo dhigay beri lana qabanayo doorashadaasi maalinta axada.
”Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono doorashada kuraastaas” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga kasoo baxay.
Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jrtay, waxaana la filayaa in doorashada Xildhibaanada golaha shacabka isbuucan mar kale dib uga bilaabato magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com