Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Turkiga oo ku kulmay Istanbul (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Farmaajo iyo Dhigiisa Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sida looga qeyb qaadan karo horumarka barnaamijyada wax ku oolka ah ee loogu adeegayo labada shacab.

Madaxweynaha iyo wafdiga kale ee la socda waxay ka qeyb galayaan Shir Madaxeedka 3-aad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isagoo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in wali uusan ka quusan mudo kororsi

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Dowladu waa iney bedeshaa siyaasada Maamulka dhulalka danta guud”

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo War cusub ka soo saartay xaalad adag oo ka jirta Yemen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---