Madaxweynihii hore ee Afghanistan, Hamid Karzai, ayaa kashifay sir culus oo ku saabsaneyd qaabkii ay kooxda taliban ku qabsatay magaalada Kabul
Hamid Karzai ayaa sheegay inuu Taliban ka codsaday inay gudaha u soo galaan magaalada caasimadda ah ee Kabul si ay uga hor tagaan inay dhacaan qalalaase iyo boob.
“Mas’uuliyiinta Taliban waxay noo xaqiijiyeen in ciidankooda hubeysan aysan soo gali doonin magaalo madaxda Afghanistan,” ayuu yiri Hamid Karzai oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee AP.
“Balse madaxweynihii hore ee Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa si aan habbooneyn uga baxay Kabul isagoo sii kaxeystay saraakiishii sar sare, Taliban-na kuma sugneyn magaalada. Hamid Karzai ”
Madaxda Taliban ayaa sheegay in xilligaas aysan ujeeddadoodu ahayn inay qabsadaan Kabul, balse sababta ay u galeen ay ahayd oo kaliya inay ka hor tagaan rabshado iyo bililiqo ka dhacda magaalada.
“Waxaa istaagay hannaankii dowladda iyo ciidamada amniga ee Afghanistan. Aniga lafteyda ayaa ka codsaday Taliban inay soo galaan Kabul.” ayuu yiri Hamid Karzai.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com