Allbanaadir.com
NEWS

Sawirro: Maandooriye badan oo lagu qabtay guri kuyaala Muqdisho iyo Cumar Finisho oo…

Ciidanka booliiska ayaa maanta howlgal gaar ah ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya oo nuucyo kala duwan isugu jiray, kaa oo lagu diyaarinayay laguna iibinayay guri kuyaala degmada Boondheere.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale, ayaa maanta kormeeray howlgalka la dagaalanka ka hortaga Daroogada.
 
Duqa Muqdisho iyo saraakiisha la socotay ayaana tagay guriga ciidanka amaanka kusoo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka koobnaa Calaq, Xashiish iyo Qamri isugu jiray macmal iyo midka caadiga ah.
 
Ciidamada amaanka ayaana xiray dadkii ku sugnaa guriga lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya, waaxa ay sidoo kale halkaasi ka qaadeen waxyaabaha maanka dooriya ee ciidamada qabteen oo maamulka sheegay in la bur burinayo.
 
Howlgal kan lamid ah oo shalay ciidamada amaanka ka fuliyeen degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid ayaa sidoo kale lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya kuwaa oo meel fagaare ah lagu bur buriyay laguina gubay.

Related posts

Akhriso Waxyaabaha laga filan karo kulanka beri yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdi Cade

Dad badan oo ka cabsi qaba Taliban oo cagahooda uga baxsanaya Afganistan (Sawirro)

Cabdi Cade

In ka badan 80 dal oo Soomaaliya ku jirto oo yeeshay shir ka dhan ah ISIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---