Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxdeed ka dhacaya dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro dalka Turkiga halkaas uu kaga qeyb galayo shir Madaxdeed ay ka qeyb galayaan madax ka socda dalalka Afrika.

Shirkan uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah kii sadexaad oo ka dhaca dalka Turkiga, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaasha  13- dal uu kuyaala Qaarada Afrika iyo wafuud kale oo lagu casuumay.

Sida aan wararka ku helnay shirkan beri ka furmaya dalka Turkiga ayaa qodobada ugu muhiimsan ee diirada lagu saari doono waxaa kamid ah Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Kulan Madaxeedkaasi, iyadoo Turkiga u ololeynayso in Suuq loo helo Diyaaradaha Darooniska iyo Qalabka Milliteri ee ay Shirkadaha Turkiga sida xawliga ah u soo saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin si xeeladeysan lacag uga urursanayey shacabka Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo War ka soo saartay duqeyntii lagu dilay Abuu Cabdiraxman

Caydiid Ali

Deegaano katirsan Jubbaland oo loo aqoonsaday Degmooyin rasmi ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---