Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa shalay ka dhawaajiyay go’aan maalmo badan laga sugayay oo ku aadanaa dacwad laga gudbiyay kursiga HOP067 uu si musuq maasuq ah ugu guuleestay taliyaha KMG ee hay’adda NISA Yaasiin Farey.
Sida dad badan horey u filayeen guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo lagu tilmaamay mid aan madax banaaneen ayaa go’aamiyay in kursiga HOP067 uu ku guuleestay taliye Yaasiin Farey loo maray wado sax ah ayna doorashadiisa tahay ansax.
Go’aankan waxaa si weyn niyad jab ugu riday dad badan oo rajo ka qabay in doorashada noqoto mid hufan kuwii khalad ka dhacaana laga gudbin karo dacwad si wax looga qabto looguna laabto doorashada kuraastaasi .
Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada go’aanka shalay kasoo baxay ayaa albaabada u xiraya in musharaxiinta iyo dadka kale ee saluuga doorashada ay dacwad ka gudbin karaan kuraasta la boobo ama sifo sharci daro ah loo maro doorashadooda.
Siyaasiyiin siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka ayaa sheegay in guddigu xalaaleeyay in la boobi karo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayna shaqadooda tahay in lacago ka qaataan soo dacwoodayaasha kaliya.
Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa go’aan kii shalay lamid ah horey uga soo saaray kursigii uu ku guuleestay Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed oo lagu dacweeyay in uu boobay kursiga uu hada ku fadhiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com