Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo Eedeymo u jeedisay Hay’addo katirsan Qaramada Midoobay

Xiriirka u dhaxeeya dowlada Itoobiya iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa mudooyinkan dambe sii xumaanayay, waxaana labada dhinac midbo midka kale u jeedinayay eedeymo kala duwan.

Dowlada Itoobiya ayaa ku eedeesay guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, UNESCO iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO in ay iska indha tirayaan tacadiyada ay geesanayaan fallaagada TPLF ee dagaalka kula jirta dowlada.

Wasiir ku xigeenka isgaarsiinta Kebede Desissa , oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay hay’addaha Qaramada Midoobay in aysan ka hadleyn bur burinta TPLF, u geesatay goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxa uu sheegay wasiirka in kooxda TPLF ay geesteen tacadiyo badan sida dilal ayna bur buriyeen xarumo badan oo danguud ah, waxa uuna sheegay in hay’addaha Qaramada Midoobay aysan marnaba ka hadleyn tacadiyada TPLF geesanayaan.

Dagaalka ka socda qeybo kamid ah dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo TPLF ayaa dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho iyo barakaca kumanaan kun, waxaana dagaalka lagu bur buriyay goobo danguud ah sida isbitaalo iyo goobo kale oo waxbarasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray ummadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale bixiyey shati ganacsi oo been abuur ah

Cabdi Cade

Tartankii orodka gaaban ee Marathonka oo saaka Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---