Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa aaladda fogaan aragga kulan kula yeeshay Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga Galmudug iyo Doorashada isagoo kaga mahadceliyay taageerada beesha caalamka ee doorashooyinka dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com