Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

COVID-19 Amicron oo soo gaaray bariga Afrika (Kiiskii ugu horeeyey oo laga helay..)

Dowlada Kenya ayaa shaacisay iney diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee nooca cusub ee COVID-19 OMICRON kaasoo laga helay qof safar ahaa.

Wasiirka Caafimaadka Mutahi Kagwe ma uusan shaacin tirada kiisaska ee la ogaaday illaa iyo hadda.

Warkan ayaa imaanaya saacado ka dib markii uu sheegay in aysan dalka Kenya ka jirin kiisas la xiriira noocaan cusub, inkastoo kiisaska COVID-19 sare u soo kacayaan.

Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii oo kaliya la diiwaan geliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadaan la diiwaan geliyo.

Somalia oo deris la ah Kenya ayaa haatan halis ugu jirta inuu cudurkan u soo talaabo, iyadoo aysan jirin feejignaan la xiriirta sidii looga hortegi lahaa cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan dowladda oo qaab qabiil ku dagaalamay oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Danjire Tarsan oo Raaligelin ka bixiyay hadal uu ku weeraray Madaxweyne Deni iyo Beeshiisa

Cabdi Cade

Daawo Sawirada; Hay’adda SAFE  oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisey Jaamacada Horn of Africa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---