Ka dib weerar xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo lagu qaaday xarumo iyo goobo ay joogeen ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa waxaa markii ugu horeysay weerarkaas midba goonidiisa u sheegtay Al-shabaab iyo Daacish.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi ayna khasaare u geysteen ciidamada dowlada ee jooga Afgooye, waxaana sidoo kale warkan lagu sheegay in xoogaga Al-shabaab ay muddo kooban la wareegeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye.

Hase ahaatee war kale oo isna lagu daaabacay Wakaalada wararka u faafisa kooxda Daacish ee Acmaq ayaa isna lagu xusay in dagaalyahanada kooxdaas ay ka dambeeyeen weerarkan ayna khasaare u geysteen ciidamada dowlada.
Waa markii ugu horeysay ee labada kooxood uu midba goonidiisa u sheegto weerar ka dhacay Somalia, waana arin ku cusub dhegaha dadka Soomaalida oo arintan aad ula yaabay.
Labadan kooxood oo ah kuwo aan isjecleyn oo horeyna ugu dagaalamay dalalka Siiriya, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa ku mideysan kaliya hal mabda oo ah la dagaalanka dowladaha ka jira dalalka ay dagaalada ka wadaan oo ay ku jirto Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com