Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya oo lagu xiray garoonka Diyaaradaha Hargeysa

Garoonka Diyaaradaha magaalaa Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa maanta lagu xiray Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib , xili uu damacsanaa in uu garoonka ka dhoofo.

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Hargeysa, kadib markii uu iska casilay kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka sare sidoo kale cafis ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliland.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin sababta keentay xariga magaalada Hargeysa loogu geestay Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa u tagay bilooyin kahor xanuun hayay aabihiis oo markii dambe geeriyooday.

Xarigan loo geestay Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray xeer dambi ka dhigaya in laga qeyb galo siyaasada iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne hore oo ka hadlay Dagaalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Haweeney hadal Maseyr ka keenay ku muteesatay xabsi iyo Ganaax lacageed !!

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka 18-aad ee Parliamentary Union of the OIC (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---