Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo Gudoomiyay shirka Amniga Hirshabelle (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Dowladda Hirshabeelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka,
Taliyaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle,Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaanada Hirshabeelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amniga isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Caasimada Jowhar.

Related posts

Xog:-Cabasho laga keenay Amniga jidka isku xira Muqdisho & Jowhar & Saameyn ka dhalatay

admin

Daawo:-Musharax Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

admin

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay labo Hindise sharciyeed oo loo soo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---