Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u jooga Soomaaliya, Mudane Xasan Bin Xamsa Asad.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen arimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.
Cabdisaciid Muuse ayaa uga mahadceliyay dowlada Qatar taageerada joogtada ah ee la garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan fulinta mashaariicda wax ku oolka ah sida dhismaha wadooyinka isku xira Muqdisho iyo labada Shabelle.
Dowlada Qatar ayaa xiriir aad u dhaw la leh dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna Qatar xiligan Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan ay kamid tahay dhaqaale siinta dowlada iyo fulinta mashaariic kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney loo heestay in ay katirsan tahay Al Shabaab oo Xabsi ku dhax geeriyootay

Cabdi Cade

Imaaraadka oo laga codsaday in ay shaaciyaan halka ay joogto Ladhifa Sheekh

Cabdi Cade

RW Rooble oo Culimada & bulshada rayidka kala hadlay arrimaha doorashada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---