Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi Caan ah oo soo bandhigay Fashilka Farmaajo mudadii uu xilka hayay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fadhiya Villa Soomaaliya ku dhawaad shan sano, waxa uuna Madaxweynaha hareer maray balan qaadyo badan uu sameeyay inta uusan xilka qaban iyo markii uu guuleestay kadib.

Siyaasiga Cabdiraxnaam Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay balan qaadyo badan uu sameeyay.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay  qabyo tirka Dastuurkii dalka ,in laga adkaado Al Shabaab iyo in uu la heshiiyo maamulka Somaliland.

”Afartii sano ee muddo xileedka maamulkiisa iyo ku dhowaad sanad sharci darrida ah, Farmaajo Dastuurkii dalka ma qabyo tirin, doorasho qof iyo cod ahna ma qaban, 4.5 lagama gudbin, Somaliland lama heshiinin, Al-Shabaab lagama adkaanin, AMISOM lagama maarmin, welina beesha caalamka ayaa biilka bixisa. Dhaqan siyaasadeedkii suubbanaa ee sanadahan lagu soo dhaqmayey ee ahaa in afartii sano doorasho si nabad xilka lagula kala wareego, waa diiday oo boob iyo fowdo ayuu u wadaa.” ayuu yiri Warsame.

Hadalka Siyaasigan ayaa imaanaya xili Midowga Musharaxiinta uu kamid yahay siyaasigan ay qaadacsan yihiin doorashada golaha shacabka ee dalka ka bilaabatay ayna ku baaqeen in la hakiyo la isuguna yimaado shirweyne Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Somalia oo qoraal ashtako ah u gudbisay danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirrada Caalamka u fadhiya Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled Specialist Hospital oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali