Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar uu dhalay Madaxweyne Hore oo caan ah oo ka baxday Diinta Islaamka

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa go’aan ay diinta Islaamka uga baxday Haweeney uu dhalay Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Indonesia Sukarno , taas oo hada qaadatay diinta Hinduuga.

Sukmawati Sukarnoputri, haatan waa 69 jir, ayaa xaflad ka dhacday Jaziirada Bali ee dalka Indonesia ku shaacisay in ay ka baxday Diinta Islaamka ay horey u heesatay ayna hada qaadatay diinta Hinduuga.

Qareenka haweeneydan ka baxday diinta Islaamka ayaa sheegay in ay aqoon badan u leedahay diinta Hinduuga ayna ku qanacday, waxaana haweeneydan la sheegay in ayeeyadey saameyn ku laheyd go’aanka ay diinta uga baxday.

Haweeneydan diinta ka baxday ee Sukmawati Sukarnoputri ayaa door weyn ku leh siyaasadda Indonesia, waxa ayna mar aas aastay xisbiga Qaran ee Indonesia iyadoo ku tartay doorashooyin dalkaasi ka dhacay.

Aabaha dhalay haweeneydan Sukarno 1945,  wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Indonesia, wuxuuna xilka hayay 22 sano, ilaa awoodda laga tuuray sanadkii 1967-di, waxaa sidoo kale Madaxweyne noqotay walaasheed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo tirakoob ka soo saartay saameynta ka dhalatay abaarta ka jirta dalka

Caydiid Ali

Ruushka oo diyaarsaday liiska dad uu leynayo marka uu qabsado dalka Ukraine

Caydiid Ali

Su’aal sharci ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo Magacaabay C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali
Taboola Ads ---