Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Dhismaha Gole hawlaha dowlada dhexe sii wada waxaan u arkaa..”

Siyaasiyiinta Midowga Musharixiinta waxey si xaqa u diideen ineysan aqbaleen doorasho la soo boobay natiijadeeda, taasoo ahayd tilaabo si saxa loo qaaday. Waxaa aragti ahaan muuqatay ineysan Suurtogal ahayn in Farmaajo sii fadhiyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya inta aan la gaarin February 2022, waxeyna soo saareen baaq ay ku dhisayaan gole hawlaha dowladda sii wada inta laga sameynayo doorasho ay shacabku ku qanacsan yihiin.

Waxaan tilaabadan u arkaa iney uga jeedaan dhisida dowlad xilgaarsiin (caretaker government), waana tilaabo ay ku saxan yihiin iney qaadaan kadib marka ay kalsooni ay wax ku soo dhisaan weydiistaan waxgaradka indhaha u ah bulshada, waxaana lagama maarmaan ah marka hore iney dhisaan golaha difaaca iyo amniga oo uu hogaaminayo janaraal uusan damac uga jirin hogaaminta dalka, taas oo meesha ka saareysa qas iyo fowdo ka timaada ciidanka hawlgelinaya socodsiinta hawlaha la fulinayo oo ay soo saaraan xukuumadda xilgaarsiinta.

Waxaa lama huraan ah siyaasiyiinta wax dhisaya iney shacabka ka soo dhex xulaan xubnaha xukuumadda xilgaarsiinta, iyaguna ay iska ilaaliyaan iney ka mid noqdaan madaxda hogaamineysa, sidoo kalana aysan sameyn go’aaminta mudo 2 sano ah oo ay shaqeyneyso xukuumadda xilgaarsiinta, maxaa yeelay muddadaas 2da sano ah horay ayaa looga diidey Farmaajo inuu ku darsado, laakiin xukuumadaas loo qabto muddo ka yar sannad iney ku qabtaan doorasho.

Siyaasiyiinta Midowga Musharixiinta waxaa la gudboon ineysan murtidiinta siyaasadeed ee ku dhexjira gadgadoonkooda aysan ugu nuglaan ka gaabinta hiigsiga bartilmaameedyada ahdaaftooda siyaasadeed ee lagu gaarayo maslaxadda danta guud ee ummadda Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta Midowga Musharixiinta waxey bartimaameedkooda ku hiigsan karaan iyagoo la hadla Shacabka, shacabka, shacabka, taas ayaa dhalineysa cududa iyo dhaqaalaha lagu bedelayo sii socoshada xukunxumada Farmaajo oo mudo xileedkiisii uu dhamaaday.

Mowqif adag oo hadafyadiisu cad yihiin ayaa guuleysanaya xataa haddii uu ku soo haro fulinteeda hal ruux oo aaminsan ka guul gaaridooda, maxaa yeelay nebiyada la soo diray iyagoon awood gaara la siin ama hanti ay wax ku fuliyaan aan loo soo dhiibin ayey iyagoo keliya ku guuleysteen ka guulgaardida hadafyadii loo soo dhiibey. Wakhtiga adag wuxuu kala saaraa kooxaha wadajira, waxaana guuleysta kuwooda rumeysan maba’diida ay aaminsan yihiin, waxaana guuldareysta jirjirooleyaasha mabda’ laaweyaasha ah oo haddaba damacoodu meel u guuriyo ilaa ay ku soo dhacaan cidlo aysan uga mid ahayn kooxihii ay horay uga kala tirsanaayeen oo ka dhex waayaan cid aaminta.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

Related posts

Booliska Muqdisho oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay nin dilay Sargaal booliis (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo bogaadiyay sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha milatariga ee..

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Belad-weyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---