Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Mareykanka oo eedeyn culus u jeedisey dagaalyahanada Kooxda TPLF

Mareykanka ayaa ku eedeeyey ciidamada Tigray ee TPLF inay tacadiyo ka geysteen gobollada Axmaarada iyo Canfarta ee dalka Itoobiya

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in tacadiyo iskugu jira dil wadareed, kufsi iyo burbur laga geystay degaanada Axmaarada iyo Canfarta

“Waaxdu waxay ku boorisay dhammaan kuwa hubaysan inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxayna ku boorisay maamulka inay baaritaan ku sameeyaan eedeymaha.”ayuu yiri afhayeenku

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Tigray ay tobanaan qof oo rayid ah  toogteen.

Goob joogayaal ayaa u sheegay baarayaasha HRW inay arkeen dagaalyahanada Tigray ee tuulooyinka Chenna iyo Kobo ku dilay 49 qof oo rayid ah.

Dilalka dadka rayidka ah ayaa dhacay intii u dhaxaysay 31 Ogosto iyo 9 Sebtembar ee sanadkan, ayay tiri hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday QM in la sameeyo baaritaan caalami ah oo lagu ogaanayo dadka ka dambeeya dambiyada dagaalka iyo in la baaro xadgudubyada ay geystaan ​​dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagay Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Goodax oo ka hadlay sida laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka

Caydiid Ali

Itoobiya oo Wadahadalkii Ankara ka soo saartay xog ka duwan warkii Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---