Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne caan ah oo laga helay nooca cusub ee cudurka COVID-19 Amicron

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka COVID-19 nooca cusub ee loo bixiyey AMICRON.

Cyril Ramaphosa oo horey u qaatay tallaalka COVID-19 ayaa dareemay xanuun isagoo jooga goob lagu xusayay madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela

War laga soo saaray xafiiska Cyril Ramaphosa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu shaqada si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa David Mabuza.

Xubno ka tirsan shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa todobadkii hore laga helay nooca cusub ee cudurka Korona.

Xanuunka COVID-19 nooca cusub ee loo bixiyey AMICRON oo haatan ku faafay qiyaastii 50 dal oo caalamka ka tirsan ayaa markii ugu horeysay lagu arkay dalka koonfur Afrika, waxaana la sheegay inuu ka halis badan yahay noocyadii hore.

 

Related posts

Lamaane mudo 30-sano ah ku dhaqmayay hab layaab leh oo ka Duwan Lamaanayaasha kale

Cabdi Cade

Maxaa kala qabsaday Christiane Amanpour oo ka tirsan CNN iyo Madaxweynaha Iran? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Bishaar Al Asad oo kulan xasaasi ah la qaadanaya Kim John Un

Cabdi Cade
Taboola Ads ---