Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta Isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidanka dowlada, waxaana askariga la dilay horey looga sii qaatay qoray uu watay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga ay dileen labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa kuwaa oo la sheegay in dilka kadib askariga qorayga ka qaateen kuna baxsadeen mooto ay wateen.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida oo gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa goobtaasi ka qaaday meydka askariga la dilay, waxa ayna ciidamada sameeyeen howlgalo lagu raadinayay ragii dilka ka dambeeyay.

Dilka maanta Muqdisho loogu geestay askarigan katirsanaa ciidanka dowlada ayaa noqonaya dilkii labaad ee ka dhaca magaalada 24-saac gudahood, waxaana xalay Degmada Xamar Jajab kooxo hubeesan ku dileen nin ganacsade ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo ku biiraya dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia iyo Erdogan oo baaq diray

Cabdi Cade

Ciidamada PSF oo nolosha ku qabtay labo nin oo Ajnabi ah oo ka badbaaday Duqeyn

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan iyo Erdogan oo kulan Xasaasi u socdo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---