Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Muqdisho ku martiqaaday maalgashadeyaal shisheeye (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa xalay magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.
 
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayna ka soo qayb galeen madax ka socdey hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjireyaasha iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo munaasabadda khudbad ka jeediyey, ayaa tilmaamay fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalgashi shisheeye, isaga oo hoosta ka xarriigay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan soojiidashada maalgashadeyaasha shisheeye.
 
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa ay dadaal weyn ku bixinaysaa isku xirka hay’adaha gudaha iyo kuwa dibadda si loo soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, loogu na soo jiido Soomaaliya maalgashi shisheeye oo dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Bandhigga qaab dhismeedka iyo isku duwida deeqaha Caalamka oo Muqdisho ka furmay

Cabdi Cade

Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo la kulmay xubno katirsan Q/M (Sawirro)

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo sheegay in Xajka aan Dalxiis loo aaday kana hadlay cabasho soo yeertay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---