Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Gorgor ayaa lakala dhax dhigay maleeshiyo beeleed maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Kaxandhaale ee hoostaga degmada Balanbale.
Ciidamada Gorgor ayaa fariisimo ka sameestay duleedka Degmada Balanbale iyo aaga lagu dagaalamay, waxaa ayna ciidamada uga digeen maleeshiyaadka dagaalamayay in mar kale isku dhac abuuraan.
Masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug iyo Odayaal ayaa sidoo kale gaaray deegaanka lagu dagaalamay, waxaana socda dadaalo xal loogu raadinayo dagaalka dhiiga ku daatay ee ka dhaxay deegaanka Kaxandhaale.
Labo maalmood ah oo dagaalku ka socday Kaxandhaalle iyo deegaano kale oo Balamballe Galbeedka kaga beegan ayay ku dhinteen dad ka badan 10-ruux, halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com