Waxaa soo shaac baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya masuuliyiinta ugu sareeya Wasaarada Cadaalada Xukuumada Soomaaliya iyo xubnaha hogaamiya Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa Dr Xasan Khaliif Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wasiirka cadaalada C/qaadir Maxamad Nuur faragalin ku hayo shaqada guddiga madaxa banaan ee musuqmaasuqa.
Waxa uu xusay Xasan Khaliif in Wasiirka Cadaaladda iyo agaasimaha guud si sharci daro ah faragalin ugu hayaan shaqada guddiga, waxa uuna xusay in Wasiirka dhawaan qabtay munaasabad ka madax banaan oo lagu maamuusayay maalinta musuqa.
“Wasiirka Caddaaladda & Agaasimihiisa waxa ay si sharci darro ah gacmaha kula jiraan shaqada uu Guddiga lahaa iyaga oo ka doonayo Dano gaar ah si musuqmaasuq ah, shaqada Guddiga Madaxabannaan ee la dagaalanka Musuqa ayuu gacmaha la galeen waana tallaabo kahor imaaneysa madaxbanaanida Guddigaan” ayuu yiri Dr. Xasan Khaliif Xasan.
Khilaafkan hada soo banaan baxay ee u dhaxeeya Wasaarada Cadaalada iyo guddiga madaxa banaan ee Musuqmaasuqa ayaa horey waxaa usoo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo balse ku guul dareestay in khilaafka dhameeyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com