Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil oo booqashadii ugu horeysay ku tagay Imaraadka (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, ayaa booqashadi ugu horeysay ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, taasoo noqonaysa booqasho heerkeedii ugu sarraysay ee hoggaamiye Isra’iili ah.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday, iyadoo quwadaha adduunkuna ay isku dayayaan inay cusbooneysiiyaan heshiiska nukliyerka ee Iran.

Israa’iil ayaa dooneysa inay difaacdo wadajir ah la sameysato dalalka Khaliijka Carabta, kuwaasoo ay wadaagaan walaaca ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada Iiraan.

Imaaraadka ayaa dhawaan xiriir la sameeyay dalka ay dariska yihiin ee Iran, isaga oo u diray sarkaal sare Isniintii lasoo dhaafay.

Sida uu sheegay xafiiska Ra’isul Wasaare Bennett, wuxuu la kulmi doonaa dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan Isniinta berri ah.

ר

 

Related posts

Ciidamada Maraykanka oo duqeyn dhimasho badan geysatay ka fuliyey duleedka Kismaayo

Caydiid Ali

Ruushka oo laga saaray Golaha xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

Caydiid Ali

Nidaamka Asxaabta badan iyo Geedi Socodka Doorashooyinka Waagii hore ee Soomaaliya

Cabdi Cade