Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnucay Jameecada Tabliiqa (Sababta)

Wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowlada Sacuudiga ayaa ka Mamnuucday dalkaas jameecada Tabliiqa loo yaqaano o ah koox diimeedku caan baxay dacwada islaamka

Baraha bulshada Sucuudiga ayaa qabsaday hadal heyn iyo doodo ku saabsan magaca Jamaacada Dacwada iyo Tabliiqa’, doodda ku saabsan Jamaacadan oo sidoo kale dalkaas looga yaqaano Al Axbaab

Culimada masaajidda ku yaalla Sucuudiga ayaa khudbaddii jimcihii la soo dhaafayay ka digay jamaacada loo yaaqaano Tabliiq kadib go’aanka ka soo baxay Wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Sacuudiga.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay ku amartay culimada masaajidda inay jeediyaan khudbooyin ku saabsan si loo muujiyo wax ay ugu yeertay marin habaabinta, leexinta iyo khatarta kooxdan, iyo inay tahay mid ka mid ah albaabbada argagixisada.

Go’aanka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ka mid noqoshada kooxaha dhinac u jaanjeera oo ay ku jiraan kooxda Tabliiqa ay mamnuuc ka tahay gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Culimada Sacuudiga waxay jameecada tabliiqa ku eedeeyeen inay wadaan nooc suufinimo ah, iyadoo  Sacuudiga loo arko arrin khilaafsan sharciga Ilaahay.

Tabliiq Waa koox Islaami ah oo uu aasaasay wadddaad Hindi ahaa oo la oran jiray Muxammad Ilyaas Al-Kandhlawi, xilliggii qarnigii 20-aad, wuxuuna ahaa amiir ilaa uu ka geeriyooday 1944-kii, waxaana ujeedjeedu yahay fidinta diinta Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Sidee Jowhar looga badbaadin karaa colaad, Muxuuse yahay dabinka Villa Somalia?

Caydiid Ali

Wafdi ka socda dowlada Somalia oo gaaray Xarunta Maxkamada caalamiga ah ee ICJ

Caydiid Ali

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta oo caawa shaacisay iney bilatay bishii Ramadaan

Caydiid Ali