Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

TPLF oo dib ula wareegtay magaalo ka mid ah kuwii dhowaan laga saaray

Dagaalyahanada TPLF ayaa dib ula wareegay Magaalada Lalibela ee dalka Itoobiya, wax ka yar laba toddobaad markii ay ciidamada dowladda iyo xulafadoodu la wareegeen

Goob-joogayaal la hadlay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka Axmaarada iyo maleeshiyaadka isbaheysiga la ah oo labaduba gacan saar la leh dowladda Itoobiya ay ka baxeen magaalada Lalibela, iyagoo aan dagaalamin.

Ciidamada taabacsan kooxda TPLF ayaa magaalada la wareegay horraantii bishii Ogosto, balse 1-dii bishan December, ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobolka Axmaarada ayaa dib u qabsaday.

Lalibela oo ah magaalo ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay xarunta dhaqanka ayaa ku taal gobolka Axmaarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykanka oo wafdi qarsoodi ah u diray Iran & Warbixino cusub

Caydiid Ali

AMISOM oo lagu wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga soo bad baadiyay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Muhaajiriinta iska dhiiba dalka UK oo hadda kadib la gaynayo dal kuyaala Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---