Waxaa maanta kulan looga hadlayay sugida Amniga yeeshay Hoggaanka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo kulankaas laga soo saaray, go’aano wax ka badal looga sameynayo Amni darada ka jirta magaalada Muqdishi qeybo ka mid ah.
Kulankan waxaa shir guddoomiyey Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.
Waxaa kulanka kadib warbaahinta la wadaagay wixii kasoo baxay Taliye Ku-xigeenka qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir oo sheegay in kulanka ay ku go’aamiyeen in Magaalada Muqdisho laga bilaabo howlgal guud oo looga hortago falalka amni daro ee ka dhaca.
Taliye Farxaan Qaroole ayaa hogaaminaya howlgalka ka dhanka ah kooxaha Burcadda ah ee dhaca xoogga leh u geysta shacabka.
Howlgalkas ujeedkiisa ugu weyn waxaa uu yahay in lagu baabi’iyo Warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo gacan bir ah lagu soo qabto dadka iska leh iyo kuwa ilaalada ka haya.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii shalay gudoomiyaha gobolka Banaadir uu shaaciyey in degmada Kaaraan oo mudooyinkan laga deyrinayey amaankeeda laga furay warshado maandooriyaha lagu sameeyo oo heysta ilaalo ka awood badan ciidamada dowladda.