Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku dhowaad 100 ruux oo ku dhintay duufaan ku dhufatay Maraykanka (Sawirro)

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay duufaan ku dhufatay lix gobol oo Mareykanka ka tirsan, waxaana ugu daran gobolka Kentucky.

Gobollada Illinois, Tennessee, Missouri,  Arkansas, iyo Mississippi ayay sidoo kale duufaantani ku dhishay dhowr qof oo kale.

Duufaantan ayaa bur-burisay guryo iyo goobo ganacsi, sida ay sheegeen saraakiisha laga doorto gobolladaas.

Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen warshad shumaca sameysa oo ku taal galbeedka Kentucky, halkaasoo ilaa 110 qof ay ka shaqeynayeen markii duufaan xoog leh ay ku dhufatay goor dambe oo Jimcihii ah.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in 40 ka mid ah 110-ka shaqaale laga soo badbaadiyay warshadda ilaa hadda.

“Heerka burburku wuu ka duwan yahay wax kasta oo aan weligay arkay,” ayuu yiri Beshear isagoo ka hadlaya waxyeelada ay keentay duufaantan, oo ku socotay xawaare ka badan 227 mayl (365 km), sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amray in taageerada dowladda Federaalka loo kordhiyo gobollada ay waxyeelleysay duufaantan.

 

Related posts

Caa’isha Silvia Romano oo guursatay nin iyada darteed u qaatay diinta Islaamka

Caydiid Ali

(Sawirro) Caruur badan oo ku dhintay dab qabsaday Isbitaalka Magaalada Tivaouane

Caydiid Ali

Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Iran oo laga helay Cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---