Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Arrimo Muhiim kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, oo booqasho sharafeed ugu timid, iyaga oo ka wada hadlay danaha dheef-wadaagga ah ee labada dhinac.

Kunkanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Midowga Yurub ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin dowlada federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday Midowga Yurub in ay halkooda kasii wadaan taageerada ee siiyaan Soomaaliya .

Related posts

Jawaari oo caawa soo saaray Qoraal Xasaasi ah Eedeyn culusna u jeediyay Madaxweynaha

Cabdi Cade

Inta badan Xildhibaanada Ahlu Sunna oo ka maqan Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Maxay ka wadahadleen RW ku-xigeenka dalka & danjire Suldaan Siciid Axmed? (Sawirro)

Caydiid Ali