Guddiga Maamulka Doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay xiliga la diwaangalinaayo musharaxiinta iyo ergada afar kamid ah kuraasta golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi.
Qoraal ay soo saareen guddiga maamulka doorashada gobolada Waqooyi ayey ku sheegeen in 13-ka bishan oo ku beegan berri ay bilaabaneyso diiwaangalinta ergada iyo qabashada codsiyada musharaxiinta Xildhibaanimo.
Guddiga Doorashada gobolada Waqooyi ayaana sheegay in kuraastan noqon doonaan kuwa la diiwaangalinayo ergada dooraneysa iyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta kala ah  Hop229 Hop262 Hop254 Hop255.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com