Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo ku laabtay furumaha Dagaalka Guulana hormuud u noqday

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale dib ugu laabtay furumaha hore ee dagaalka ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Federaalka iyo jabhada TPLF ,kadib maalmo uu ku sugnaa xafiiskiisa oo kuyaala magaalada Adis Ababa.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy dib ugu laabtay furumaha dagaalka si ciidamada wax uga hogaamiyo, waxa uuna Abiy qeyb ka ahaa ciidankii qabsaday wado muhiim ah oo isku xirta magaalooyinka Waldiya iyo Makale.

“Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayaa la wareegay ” Jidka Istiraatiijiga ah ee Woldia iyo Mekelle , waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,” ayaa lagu yiri qoraal ay faafisay wakaalada wararka Itoobiya.

Ciidamada federaalka Itoobiya uu hogaaminayo Abiy Axmed ayaa sidoo kale la wareegay magaalooyin iyo deegaano kale ay ku sugnaayeen ciidamada taabacsan TPLF, waxa ayna ciidamada kusii jeedaan deegaano hor leh sida warbaahinta dowlada Itoobiya sheegtay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu tagay furumaha dagaalka waxa ayn ciidamada federaalka gaareen guulo waa weyn ay ku qabsadeen magaalooyin iyo deegaano katirsan gobolada Canfarta iyo Amxaarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo ka hadlay Dhibaatada ka dhalan karta Gantaalka soo fakaday ee maanta dhulka…

Cabdi Cade

(Akhriso) Mid ka mid ah beelaha Somaliland oo Muuse Biixi ku eedeysay dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

RW Xamse oo magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---