Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Mursal oo la kulmay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Jabuuti (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Jabuuti.

Qasriga Madaxooyada dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiye Maxamed Mursal waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxa ayna labada masuul kawada hadleen xiriirka labada wadan.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’isul Wasaaraha Dalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, waxa ayna kawada haleen arimo kala duwan oo muhiim ahaa.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo xubno la socda ayaa dalka Jabuuti u tagay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Maalinta Xuriyada dalkaasi oo ku beegan maanta, waxaana Munaasabadaasi sidoo kale ka qeyb galeysa madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo maanta xirtay agaasimayaal iyo masuuliyiin hor leh oo loo heesto Musuq

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Farmaajo iyo kooxdiisa oo Cadaadis xoogan ku bilaabay Guddi dhawaan la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---