Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay wakiilka Bariga Afrika iyo Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Hormarinta Afrika Dr. Amosk cheptoo oo soo gaaray Muqdosho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlaha iyo mashaariicda kala duwan ee Bangiga Hormarinta Afrika uu ka wado Soomaliaya iyo hormarada laga sameeyey Mashaariicdii hore.
Wasiirka maaliyadda dalka Dr. Beyle ayaa ku bogaadiyey madaxda Bangiga Hormirnta Afrika doorkooda ku aadan kaalmada iyo garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya.
“Waxa aan ka wadahadlanay Mashaariicda Horumarineed ee Bangigu uu ka wado dalkeena iyo sidii loo soo dhameystiri lahaa Mashaariic kale oo aan fileyno in ay nasoo gaaraan” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale kulanku inta uu socday waxaa laga wada hadlay kordhinta Mashaariicda uu Bangigu Hormarinta u qaabilsan Afrika uu ka fuliyo Soomaaliya iyada oo lagu saleenayo baahida jirto.
Bangiga Hormarinta Afrika oo magaciisa loo soo gaabiyo AFDB ayaa ka mid ah hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya caawiya iyada uu gacan weyn ka geysto mashaariic kala duwan, kuwaas oo ay qeybkayihiin kuwa lagu xoojinayo hormarinta dhaqaalaha iyo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.
Sidoo kale Bangiga Hormarinta Afrika waxaa uu door muhiim ah kulahaa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya, isagoo ka mid ah hay’adihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya ka cafiyey deyntii ay kulahaayen Sanadkii hore.