Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Wasiirka Axmed Cawad oo la kulmay Amiir Shiikh Sabah Al Ahmad 

Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo booqashada ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Amiirka dalka Kuwait Shiikh Sabah Al Ahmad Al Sabah iyo Masuuliyiin kale.

Wasiir Axmed Cawad ayaa Amiirka dalka Kuwait gudoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa uuna Wasiirka uga warbixiyay Amiirka xaalada Soomaaliya iyo Horumarada dowlada gaartay.

Amiirka dalka Kuwait iyo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa sidoo kale kawada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxa uuna Amiirku balan qaaday in ay taageerayaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaga Dibada ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada Kuwait iyo guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, Waxa uuna kala hadlay horumrinta Waxbarashada iyo mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso Somalia.

Dowlada Kuwait ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxa ayna Kuwait kamid tahay dalalka dhax dhaxaadka ka noqday xiisada Khaliijka oo Soomaaliya saameyn badan ku yeelatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo lacago kusoo rogay Jaamacadaha iyo Wasaarad arintaasi kahor timid

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Maxay tahay heyadda cusub ee uu daahfuray Raisul Wasaare Rooble?

Caydiid Ali

Shariif Xasan ” Doorashada Waqti waa lagu dari karaa balse Madaxweyne Farmaajo Maya ”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---