Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad ka laabatay Xukun dil ah oo horey loogu riday Nura Xasan oo dishay…

Maxkamad kutaala dalka Sudan ayaa ka laabatay xukun dil ah oo bil kahor lagu riday Gabar u dhalatay dalkaasi oo lagu magacaabayay Nura Xasan oo lagu helay dambi ah in ay toorey ku dishay ninkeeda.

Caalamka iyo Sudan qeybo kamid ah waxaa ka socday olole xoogan oo lagu dalbanayay in aan gabadhaasi xukun dil ah lagu fulin, waxaana ugu dambeyn Maxkamada ka laabatay xukunka dilka ah, iyadoona loogu bedelay  5-sano oo xabsi ah.

Hooyada dhashay gabadhan xukunka dilka ah ku xukuneyd ayaa sheegtay in ay aad u faraxday markii ay maqashay in gabadheeda xukunka dilka ah laga cafiyay, waxa ayna u mahad celisay cid kasta oo gacan ka geesatay cafintan.

Nura Xasan oo 19-sano jir aheyd ayaa dishay ninkeeda Abdulrahman Mohamed Hammad oo lagu daray iyada oo jirta 16-sano, waxa uuna dilkan yimid dilka kadib markii Nura oo diidaneyd ninkeeda loo qab qabtay kadibna xoog ugu tagay sida ay sheegtay.

Gabadhan ayaa sheegtay in wiilal ilmo adeer la ahaa ay xoog ugu qab qabteen ninkeeda kadibna xoog ku kufsaday, waxa ayna tilmaamay in maalintii labaad mar uu isku dayay in uu mar kale u tago in toorey ku dishay.

Maxkamad kutaala dalka Sudan ayaana gabadhan ku riday xukun dil ah kadib markii uu ku cadaaday dilka ninkeeda, hasa ahaatee waxaa bilowday olole xoogan oo dowlada Sudan looga dalbanayay in gabadhaasi xukun dil ah aan lagu fulin.

Caalamka iyo qeybo badan oo kamid ah dalka Sudan ayaa laga soo dhaweeyay go’aanka ay Maxkamada uga laabatay xukunkii dilka ahaa ee Nura lagu riday, waxaana si gaar ah arintan u soo dhaweeyay Dumar badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka dad ay Dileen Diyaaradaha Mareykanka oo la aasay (Daawo Sawirada)

admin

Norwey oo War kasoo saartay xaalada Soomaaliya amaana u jeedisay dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Abuu-dhabi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali