Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Askari dil u geestay Dhalinyaro banooni ciyaareesay oo Xukun dil ah lagu riday

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta  xukun dil ah ku riday askari katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya oo dhawaan si bareer ah magaalada Balad Xaawo ugu dilay labo wiil oo dhalinyaro ahaa.

Maxkamada ayaa ku heshay Dable NISA Maxamed Cali Xuseen, in Bishii November ee sanadkaan degmada Beled-Xaawo ku dilay labo wiil oo lagu kala magacaabayay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa dhalinyarada uu dilay ugu tagay garoon ay kubad ku ciyaarayeen kadibna halkaasi ku dilay, askarigana ayaana baxsaday dilka markii uu geestay kadib, iyadoona ugu dambeyn ciidamada amaanka soo qabteen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in dood dheer kadib dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta labada marxuum.

Dilalka ciidamada dowlada u geesanayaan dadka shacabka ayaa mudooyinkan kusoo kordhay magaalada Muqdisho, habeeno kahor ayeyna aheyd markii ciidamo katirsan dowlada laamiga Maka Al mukarama ugu dileen sadex dhalinyaro ah oo wadada socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taye Atske Selassie oo loo doortay Madaxweynaha Itoobiya

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Boqor Dhintay oo lala aasay Sanamyo loo ekeesiiyay askar Waardiye ah

admin

Isku day loogu kala dab qaadi lahaa Farmaajo iyo Rooble oo guuldareystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---