Sida uu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganaya booliska, nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa
Falkan argagaxa leh ayaa ka dhacay degaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu waxaana qofka Ismiidaamiyeya magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek
Waxaa uu tagay hoygiisa, ka dibna waxaa qarxay jaakad miineysan oo uu xirnaa halkaasi oo ay ku dhinteen isaga iyo labadiisa waalid oo ahaa 55 jir ahaa, waxaana ku dhaawacmay gabar lamaanihiisa aheyd oo ku dhaawacantay qaraxa, lana geeyey isbitaalka.
Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xirtay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis.
Diseembar 17, 2020 Pope wuxuu isku dayay ninkan inuu ku dilo saaxiibtiis oo 16 jir ah guri ay ka kiraysteen magaalada Katito isagoo ku eedeeyay gaalnimo.
Sida ay xiligaas sheegeen Booliska, ninka is qarxiyay ayaa sameeyay walxaha qarxa oo uu kaga tagay guriga. Waxaa qarxay oo dhaawac soo gaaray saaxiibtii. Ka dib wuu ka baxsaday aagga, booliiskuna waxay ku jireen raadintiisa.
Ninka weerarka geystay oo fasalka shanaad ka baxay ayaa la sheegay in muddo ka badan 5 sano ka hor uu ka baxay gurigiisa, isagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa oo uu ugu biiray Al-Shabaab, kadibna uu dib ugu soo laabtay.
Taliyaha booliska Nyanza Karanja Muiruri ayaa sheegay in khubarada ay gacanta ku hayaan dhacdadan oo uu ku tilmaamay fal argagixiso.