Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo bilaabay Diiwaangelinta Guddiga soo xulyada Ergada (Sawirro)

Guddiga Maamulka Doorashada gobolada waqooyi ee Somaaliland ee SEIT ayaa maanta  diiwangeliyay Guddiga soo xulista ergada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 iyo HOP#229 oo dhawaan Muqdisho lagu dooranayo.

Diiwaan gelinta guddiga Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraastan ayaa timid kadib markii shalay Guddiga doorashada uu shaaciyay liiska oday dhaqameedka iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta.

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaana horey u shaaciyay qabashada doorashada qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana kuraastan u tartami doona musharaxiin kala duwan.

Doorashooyinkii hore uga qabsoomay magaalada Muqdisho ee lagu doortay dhoor Xildhibaan ayaan loo marin habraacan lagu diiwaan gelanyayo xubnaha odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo Isbitaal ku booqday askar ku dhaawacantay Weerarkii Shalay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Siyaasadda Qaran ee Qaxootiga soo Guryo-noqonaya oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse iyo wafdi la socday oo Muqdisho ka ambabaxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---