Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo sheegay in Doorashada socota ay tahay boob iyo awood sheegasho

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku bilaabatay wax u eg musuq maasuq iyo boob, waxa ayna taasi niyad jab ku abuurtay siyaasiyiin kuraas doon ahaa iyo Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa doorashada golaha shacabka ee hada bilaabatay ku sifeeyay wax aan doorasho aheyn oo ah boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho.

Halkan ka Akhriso qoraal uu arintan uga hadlay Musharax CC Warsame

Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo. Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho.
 
Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan.
 
Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar shalay laga afduubtay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Guriceel

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo deegaan Beeleed u magacaabay Xaafad katirsan Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

Qarax Goordhaw lala eegtay xubno katirsan guddiga Doorashada Heer federaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---