Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo mamnuucay ka qayb galka Siyaasada Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu soo saaray ku Mamnuucay Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa xeerkan uu soo saaray ku sheegay qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya in aan laga aqbali doonin cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

Xeerkan uu soo saaray Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa imaanaya xili siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland magaalada Muqdisho u yimaadeen ka qeyb galka doorashada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Xeer Madaxweyne Biixi soo saaray

Markuu Arkay Madaxweynaha Somaliland Go’aanka labada Gole ee  (Guurtida iyo Wakiillada) kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya;

Markuu Arkay: Degreeto Madaxweyne ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).

Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu ku qancay: In ay tahay dambi khiyaamo qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka  Somaliland ayuu soo saaray.

1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland.

 

Related posts

C/casiis Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqolaal arday oo u fariistay Imtixaanka qubuulka ee Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia oo digniin adag loo jeediyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---